FBI-da Mareykanka oo baaraya qoraal uu Facebook-ga soo dhigay ardaygii weeraray Jaamacada Ohio

FBI-da Mareykanka ayaa baaritaano xoogan ku haaya qoraalo uu barta Facebook-ga soo dhigay nin asalkiisa yahay Soomaali laguna magacaabi jiray C/risaaq Cali Cartan, kaas oo Jaamacada Ohio State University ka geystay weerar ay ku dhaawacmeen 11 qof.

Ninkaan ayaa la sheegay inuu weerarkaasi u adeegsaday gaari uu watay iyo mindi uu ku dooxay ardaydaasi, waxaana markii dambe toogasho ku dilay ciidanka booliska oo goobta uu falkaasi ka dhacay soo gaaray.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in qoraalka uu C/risaaq Cali Cartan kusoo qoray bartiisa Facebook-ga mar sii horeysay ay ahayd in dalka Mareykanka dadka Muslimiinta ah aan si fiican lagula dhaqmin.

Sidoo kale, teleefishinka ABC News ayaa baahiyay qoraal la sheegay in marxuumka la dilay uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay wuxuuna u qornaa sidatan

“Waxaa aad ii dhibtay inaan marwaliba arko walaalaheeyga muslimiinta ah oo lagu dilaayo, laguna ciqaabayo meel waliba ay joogaan, mana usii dulqaadan doonno arrinkaas”.

Dhinaca kale, FBI-da Mareykanka ayaa sheegaay inay baaritaan dheeraad ah kusii sameyn doonaan waxkasto oo fududeyn kara hadii C/risaaq Cali Cartan uu xiriir la sameeyey kooxaha argagaxisada.

Bishii September ee la soo dhaafay,  Nin Somali-Maraykan 20-jir ahaa ayaa waxa u uTooreey ku dooxay 10 qof oo Maraykan ah, ka hor intaysan Boliska ku tooganin magaalladda Saint Cloud ee Gobalka Minnesotta.

Bishii September ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii nin Somali-American ah oo 20-jir ahaa uu tooreey ku dooxay 10 qof oo Mareykan ah oo ku sugnaa suuq laga dukaameysto ee ku yaala magaalada Saint Cloud ee gobolka Minnesota, kahor inta aysan ciidanka booliska halkaasi ku tooganin.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkii shalay ee Jaamacadda Ohio State University ayaa noqonaya kii labaad uu geysto nin asalkiisu yahay Soomaali, waxayna arrintaan Soomaalida ku nool dalkaasi Mareykanka u keeni kartaa in il gaar ah lagu haayo maadaama dhibaatooyinka dhalinyarada Soomaalida ah ee ku nool halkaasi ay soo kordhayaan.

error: Content is protected !!