DEG DEG:- Doorashada Aqalka hoose ee Hirshabeele oo maanta dib uga bilaabatay magaalada Jowhar

Wararka goordhaw naga soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in goordhaw ay halkaasi dib uga bilawdeen doorashada xubanaha Hirshabeele uga mid noqonaya Aqalka hoose ee baaramaanka Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa maalintii shalay joojiyay doorashada xubnaha Aqalka hoose ee ka socotay magaalada Jowhar, kadib markii khilaaf uu ka dhashay doorashadaasi

Khilaafkaas ayaa haatan la sheegayaa in xal kama dambeys ah laga gaaray iyadoona maanta ay magaalada Jowhar dib uga bilawdeen doorashada.

Guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ee Hirshabelle ayaa warbaahinta Bulshoweyn u xaqiijiyay in haatan ay doorashadu ka soconayso magaalada Jowhar, islamarkaana dhowr kursi lagu tartami doono.

Musharixiinta ku tartameeysa doorashadaasi ayaa waxaa ka mid ah musharixiin hore xilal uga soo qabtay dowladihii hore ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, guddiga doorashada Hirshabeele ayaa sheegay in maalinta Sabtida ah lasoo gaba-gabeyn doonno doorashada xubnaha Hirshabeele uga mid noqonaya Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!