Faadumo Dayib oo shaacisay inay gebi ahaan isaga hartay doorashada madaxtinimada ee Soomaaliya

Faadumo Dayib oo ka mid aheyd musharixiinta ku tartameeysay doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaacisay inay gebi ahaan isaga hartay doorashada, kadib markii ay sheegtay in heerka musuq maasuq ee ka jira dalka uu sare u kacay.

Musharaxadda Faadumo Dayib oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wareysi ay siisay wargeyska Washington Post ku sheegtay inay gebi ahaan isaga hartay tartanka doorashada, iyadoona arrinkaasi u sababeeysay inay tahay heerka ay gaarsiisan tahay musuq-maasuqa iyo xilliga doorashada oo dib loo dhigay.

Waxay Faadumo Dayib sheegtay in dib u dhigista doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee dhawaan lagu dhawaaqay ay marqaati u tahay in Soomaaliya ay ka jiraan musuq aad u baahsan islamarkaana ay tahay mid aad looga xumaado.

Faadumo Dayib oo markii horeba musharaxnimadeeda ku ekeyd dhinaca warbaahinta ayaa hore u shaacisay inay tahay haweeneydii ugu horeeysay ee xil madaxweyne u tartanta doorashada Soomaaliya, taas oo aan sax ahayn maadaama sanadkii 2004-ta ay tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacay Kenya ay ku tartantay Caasha Axmed Cabdalla.

error: Content is protected !!