Mooshin xil ka qaadis ah oo laga gudbiyay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa sheegaya in xildhibaanada maamulka Jubbaland ay magaaladaasi ka wadaan mooshin ka dhan madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan, kaas oo lagu codsanaayo in xilka looga qaado.

Mooshinkaan oo la sheegay inay diyaariyeen in ka badan 30 xildhibaano ka mid ah baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa ka dalbaday madaxweynaha Jubbalad Axmed Madoobe inuu xilka ka qaado ku-xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan.

Guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa warbaahinta Bulshoweyn u xaqiijiyay inay haatan qabteen mooshinka laga keenay madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, isla markaana la waafaqijin doono xeerka u degsan baarlamaanka maamulkaas.

Warar madax banaan oo aynu heleeyno ayaa sheegaya in mooshinkaasi uu la xiriiro arrin lid ku ah jiritaanka Jubbaland uu ku kacay madaxweyne ku-xigeenka, taas oo ay xildhibaanada maamulkaasi ku tilmaameen mid aan loo dul-qaadan dooni

Dhinaca kale, wasiirka gaashaandhiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa si uu arrintan xal ugu raadiyo wuxuu gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, wuxuuna wasiirkaan ka mid yahay mas’uulkii ka shaqeeyay heshiiskii hadda kahor la dhex dhigay beesha Mareexaan iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

error: Content is protected !!