Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay 19 qof oo seddax ka mid ah ay yihiin dad odayaal ah

Wararka naga soo gaaraya gobolka Togdheer ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ciidanka maamulkaasi ay xabsiga u taxaabeen dad lala xiriirinayo dilal ka dhacay gobolkaas.

Axmed Maxamed Guutaale oo ka mid ah saraakiisha ciidamada maamulka Somaliland oo la hadlay warbaahinta ka howlgasha deegaanada maamulkaasi ayaa sheegay in ilaa 19 qof oo seddex ka mid ah ay yihiin dad Odayaal ah lagu soo qabtay howlgal ay ciidanka Somaliland ka sameeyeen duuleedka magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Sarkaalkaasi ayaa sheegay in dadka lasoo qabtay lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin dilal maalmihii ugu dambeeysay ka dhacay gobolka Togdheer.

Wuxuu sheegay in ciidanka ammaanka ee Somaliland ay baaritaano ku haayaan dambiyada kala duwan ee lagu soo eedeeyay odayaal dhaqameedkaasi iyo dadka kale.

Ugu dambeyntii, sarkaalka ayaa sheegay in seddaxda oday ee la haayo iyagana lagu soo eedeeyay dambiga ah inay soo abaabuleen kuwa wax dilay islamarkaana haatan arrintooda baaritaan lagu haayo.

error: Content is protected !!