Al-shabaab oo sheegtay inay gacanta ku dhigeen diyaarad nooceedu yahay kuwa wax basaaso

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen diyaarad nooca aan duuliyaha wadin ee Drones-ka, taas oo la sheegayo inay kusoo dhacday duuleedka degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Diyaaradaasi ayaa inta aysan soo dhicin ka hor muddo saacado ka badan dul heehaabaysay qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose, kadibna waxay ku dhacday deegaan qiyaastii 4-km u jirta degmada Aw-dheegle.

Goobta ay diyaaradda ku dhacday ayaa la sheegayaa in markii dambe ay soo gaareen ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab, kadibna diyaaradaasi la wareegay.

Al-shabaab ayaa sheegay in diyaaradaasi uu ku xirnaa qalabka wax duuba ee kaamirooyinka ah, iyadoona dhowr jeer oo hore ay Al-shabaab sheegeen inay gacanta ku dhigeen diyaarado nooceedu yahay kuwa Drones-ka ah loo yaqaano oo kusoo dhacay gobolka Sh/hoose.

Si kastaba, diyaaradaha Drones-ka ayaa inta badan weeraro iyo basaas u adeegsada dowladda Mareykanka iyo xulafada kale ee dowladda Soomaaliya gacanta ka siinaya la-dagaalanka Xarakada Al-shabaab.

error: Content is protected !!