Axmed Madoobe oo u diiday xildhibaanada dhawaan lagu doortay Kismaayo inay u safraan Muqdisho

Wararka aynu ka heleyno magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu xayiraad xoogan kusoo rogay xildhibaanada dhawaantaan halkaasi lagu doortay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa inuu ku adkeystay in xildhibaanada cusub ee lagu doortay maamulkiisa aanay u socdaali doonin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, inta laga soo dhameystirayo doorashada dalka oo dhan.

“Waxaan farayaa dhamaan xildhibaanada lasoo doortay inaysan u safri karin magaalada Muqdisho, ilaa laga soo dhameystiraayo doorashada dalk oo dhan, waana muhiim in amarkaasi la fuliyo” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Axmed Madoobe

Si kastaba, hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaysa xillil musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ay shaaciyeen in guddiga doorashada uu doonayo in xildhibaanada iyagoo aan la dhameystiran wax dooran doonaan.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa arrintan la sheegayaa inay isku mowqif ka yihiin madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, oo labadooda isbaheysi siyaasadeed leh, waxaana hore madasha Qaran ugu heshiiyeen inay madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalkaa saxiixaan xildhibaanada degaanadooda lagu doortay, taasoo hadda loo adeegsanayo si ka duwan qaabkii loogu talogalay.

error: Content is protected !!