Ciidamo gadoodsan oo maanta si xoog leh ula wareegay guud ahaan bangiga dhexe ee Puntland

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegayaa in ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan ay maanta la wareegeen guud ahaan bangiga dhexe ee Puntland.

Ciidamadaasi ayaa ku andacoonaya inaysan helin in muddo wax mushaar ah, waxayna xireen dhamaan wadooyinka soo gala Bangiga ilaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

Xilligaasi ayaa waxaa hakad ku yimid dhamaan shaqadii iyo howlihii ka socday Bandhiga, waxaana markii dambe goobtaasi gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Ciidamadaasi ayaa markii dambe lagu qanciyay inay isaga baxaan islamarkaana wixii mushaaraad ah la siin doonno.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii ciidan ka tirsan Puntland ay sidaan oo kale u qabsadeen bangiga dhexe ee Gaalkacyo iyo kan ku yaala Garoowe, inkastoo markii dambe laga saaray goobahaas.

error: Content is protected !!