Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar Cameey oo dhawaan looga yeeray inuu yimaado magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray, waxaana uu haatan halkaasi kulamo kala duwan kula qaadanayaa mas’uuliyiin ka kala socda beesha caalamka iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Injineer C/xakiin Camey ayaa la sheegayaa inay dhawaantaan u yeereen wakiilada beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo doonaya inay cadaadis ku saaraan ka laabashada go’aankii ay uga hor yimaadeen in la dedejiyo doorashada madaxda cusub iyo shir ay Muqdisho isugu yimaadaan xildhibaanada labada Aqal.
Kulamo ay leeyihiin wakiilada beesha caalamka iyo wafdiga madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa haatan ka socda magaalada Muqdisho, waxaana looga hadlayaa arrimaha doorashada iyo khilaafaadka ka jira.
Si kastaba , waa markii ugu horeeysay ee madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar Cameer uu yimaado magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu xilka qabtay, waxaana muddooyinkaan dambe soo muuqaneysay in Injineer Cameey uu yahay nin awood leh oo madaxweyne Gaas la tartama.