C/raxmaan Cirro oo loo diiday inuu booqdo maxbuus ku xiran saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa

Guddoomiyaha golaha wakiillada maamulka Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga WADANI, ayaa laga hor istaagay inuu booqdo maxbuus ku xiran saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Ninka xiran oo lagu magacaabo Muniir Axmed Cigaal ayaa katirsan xisbigaas mucaaradka ah, waxaana wehliya Wariye Cali Mahdi Jibriil, oo loo haysto inay waxyeelo gaarsiiyeen nin qoraa ah oo magaciisa lagu sheegay Jaamac Jiir, kaasoo sheegay in laga jabiyay gacan iyo ilig, kadib markii koox nimankaasi hogaamiyaan soo weerareen.

Ashtago uu geeyay booliiska, ayaa labadaasi nin lagu xiray, waxayna mas’uuliyiin uu horkacyo C/raxmaan Cirro isku dayeen inay ku booqdaan saldhigan, waxaana is-hortaag ku sameeyay ciidamada halkaasi joogay.

Cirro, ayaa ka hadlay sababta xabsiga loogu diiday, wuxuuna eedayn dusha uga tuuray xukuumadda isagoo sharci darro ku tilmaamay qaabka loo maraya sarkaalkan xarigiisa.

“Waxaan shacabka Somaliland u sheegayaa wixii ka dhacay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa waxa uu fool xumo ku ahaa qaranimada Somaliland iyo dawladnimadaba, waxaanu subixii hore ee saakay ku tagnay saldhiga dhexe ee Hargeysa aniga iyo saraakiil ka socday xisbiga waddani, waxaanu u soconay oo kaliya sarkaal sare oo ka xiran xisbiga waddani si aanu u soo salaano oo kaliya, waxaanu xarigaas u aragnaa xarig siyaasadeed oo cid uu ilaa hadda uu u xiran yahay aan la garanayn,”Sidaasi waxaa yiri afhayeenka golaha wakiillada Somaliland C/raxmaan Cirro.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo eedayntaas ka hadlay ayaa sheegay in raggaas sifo qaldan u tageen xabsiga, wuxuuna dhaleecayn dusha uga tuuray Mudane Cirro oo ku eedeeyay inuusan maamuli karin dalka, hadii ay isku dhacayaan ilaalada xabsiga, isagoo xusay inuu qaab khaldan ku tagay saldhigga dhexe ee Hargeysa.

“Gudoomiyuhu wuxuu doonayaa inuu madaxweyne noqdo saldhigyadda askartii joogtayna way is qab-qabsanayaan, hadii uu doonayo inuu booqdo waxay aheyd inuu wasaaradda arrimaha gudaha yimaado ama saldhiga, inta meesha socotay Cirro oo kaliya may ahayn ee dhowr iyo toban nin oo ahaa raggii waaweyna oo dalka wax kasoo xukumay ayaa ka mid ahaa dadka meesha marayey, culayska intaas leeg saldhigyaddu ma ogolaanayo, saldhiga ay waydiinayeen maxaa loo xiray inay annaga uga jawaabi laheyn waxa loo xirey inay annaga noo yimaadaan bay ahayd,”Ayuu hadalkiisa raaciyay wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland Maxamed Muuse Diiriye.

Si kastaba, arrintaan ayaa timid xilli maamulka Somaliland dhawaan gali doono doorasho madaxtinimo iyo mid baarlamaan, waxaana socda loolan xooggan oo dhinaca axsaabta ah.

error: Content is protected !!