Madaxda ugu sareeysa Puntland oo maqan xilli dagaal uu ka soconaayo degmada Qandala.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo guddoomiyaha baarlamanka ayaa maalintii shalay safar deg deg ah ugu baxay magaalada Muqdishu ee caasimadda dalka Soomaaliya, labo maalin kadib markii ay magaalada Garoowe kaga hadleen arrimo la xiriira doorashada labada Aqal ee baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Labada mas’uul C/xakiim Camey iyo Axmed Cali Xaashi, ayaa safarkooda lala xiriirinayaa wada xaajood la sheegay inay ka galayaan kuraas ka imaanaysa gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Waxaa xusid mudan in arrimahaan taagan ay ka hadli karaan madaxda madasha oo qura, iyadoo mas’uuliyiinta u dhoofay Muqdisho, aysan ku jirin hogaamiyaasha ku bahooday madashaasi.

Arrintaan ayaa soo if-baxday kadib markii magaalada Muqdisho ka bilaabatay doorashada xubno ka imaanayay goboladaas oo la sheegay inay matalayaan maamulka Somaliland.

Safarkaan, ayaa lagu soo beegay xilli madaxweyne Gaas ku maqan yahay dalka Shiinaha, halkaas oo kulamo kala duwan kula leeyahay shirkado shisheeye.

Madaxweyne Gaas ayaa ku sugan magaaalada Nairobi, iyadoo wararku sheegayaan inuu dalkaas ku sugnaa doono ilaa maalinta Sabtida soo socota oo ku beegan 11 Dec, 2016.

Lama oga isbadalka ay madaxdani keeni karaan, balse warbaahinta Bulshoweyn ayaa fahamsan in Camey iyo Xaashi cadaadis kaga imaanayaan dhinaca beelaha goboladaasi daga, waxaana maalmahaan ku jireen xusul duub ku aadan sidii kuraastaas doorashadooda loogu qaban lahaa dhinaca magaalada Garoowe.

Labadaasi mas’uul mar ay saxaafadda si wadajir ugala hadleen magaalada Muqidisho 1-da bishaan December, waxay dhaliileen siyaasadda dowladda federaalka iyo doorashooyinka socda, waxaana ku adkaysteen inaan doorasho la gali karin ilaa laga soo dhameystiro xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ma jirto wax jawaab ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya, sidoo kale lagama warqabo in arrimaha socda ka warqabo madaxweyne Gaas iyo in kale.

Dhinaca kale, maqnaanshaha xubnaha uga sareeya maamulka Puntland ayaa kusoo beegmeysa xilli dagaalo ka socdaan degmada Qandala ee gobolka Bari, halkaas oo ciidamada Amniga Puntland isu diyaarinayaan inay gacantooda kusoo celiyaan magaaladaas.

Sidoo kale, qabsashada Qandala oo noqoneysa degmadii ugu horeysay ay kooxaha argagixisada ka qabsadeen maamulka Puntland intii dhidibada loo taagey ayaa howlgalka kooxdaan ka dhan ka ah waxaa qayb ka ah ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beleedyo dhowaan heshiis la galey xukuumada madaxweyne Gaas.

Gaba-gabadii, safarka ay magaalo madaxda Garoowe kaga baxeen madaxda u sareeysa maamulka Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli abaaro ba’an ay ka jiraan degaano ka tirsan Puntland, kuwaas oo dad badan ku cayroobeen kuwo kalena macluul hayso.

error: Content is protected !!