Magacyada musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo dhalashada labaad ay kala haystaan (AKHRISO)

Waxaa musharixiinta sanadkaan ku tartameeysa xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya ka mid ah kuwo in muddo ah qaxootinimo ku joogay dalalka reer galbeedka ah.

Warbaahinta Bulshoweyn oo daba-gal dheeraad ah ku sameeysay musharixiintaasi ayaa waxaa u suurto-gashay inay hesho aqoonsiga dhalashada iyo muwaadinimada musharixiintaasi, dalalka ay dhalashada labaad kasoo qaateen.

Tiradda musharixiin ee sanadkaan ku tartameeysa doorashada madaxtinimadda Soomaaliya ayaa gaaraya ilaa 18-musharax, waxayna badankooda yihiin muwaadiniin haysata 2 dhalasho oo afka qalaad lagu yiraahdo “Dual Citizenship”.

Musharixiintaasi ayaa intooda badan door-biday inay ku safraan ama jeebkooda ku wataan baasaboorada ay dalalka reer galbeedka kasoo qaateen, iyagoo iska tuuray baasaboorkii ay asal ahaan kasoo jeedeen ee ahaa midka soomaaliga ah.

Hoos ka akhriso musharixiinta madaxtinimadda iyo dhalashadda labaad ay kala haystaan:-

Magaca Musharaxa Dhalashadda (Dual Citizenship)
Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Somali-Canadian
C/weli Sheekh Axmed Somali-Canadian
C/raxmaan C/laahi Baadiyow Somali-Canadian
Faadumo Qaasim Dayib Somali-Finnish
Canab Daahir Somali-Mareykan
C/naasir Maxamed Somali-Mareykan
Bashiir Nuur Bidaar Xasan Looyaan Somali-Mareykan
C/risaaq Cumar Maxamed Somali-Mareykan
Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” Somali-Mareykan
Maxamuud Axmed Nuur Tarzan Somali-British
C/raxmaan Sheekh Faroole Somali-Australian
Saciid C/laahi Dani Somali-Danish
Yaasiin Maaxi Maalin Somali-Swedish
C/raxmaan C/shakuur Warsame Somali-British
Jabril Ibraahim Cabdulle Somali-Canadian

Dhinaca kale, labada musharax kaliya ee aan dhalasho ajanabi haysan ayaa kala ah, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Inta badan xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan in musharaxiinta haysta dhalashada soomaalinimada ay mudan yihiin in iyaga loo codeeyo, maadaama ay yihiin waddaniyiin dal-joogayaal ah, kana war haya nolosha dhabta ee dadka soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, musharixiinta labada dhalasho haysta ayaa laga wada dharagsan yahay inay xaasaskooda iyo caruurtooda ku nool yihiin dalka dibadiisa, islamarkaana ay ka go’an tahay hadii looga guuleysto doorashadda inay dib ugu laabtaan dalalkii ay horay qaxootinimada isaga dhiibeen, kana heleen deganaanshaha iyo dhalashada dalalkaas.

error: Content is protected !!