Mid ka mid ah ergadii soo dooratay C/laahi Goodax Barre oo maanta lagu dilay Muqdisho

Wararka laga helaayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mid ka mid ah ergada dooratay xildhibaan C/laahi Goodax Barre toogasho lagu dilay, kaas oo magaciisa lagu sheegay C/qaadir Cabdi Cali.

Dilka ergayga ka tirsan beesha Agoon Cabdalle/Xawaadle ayaa saakay ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegayaa inuu ka yimid magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, halkaas oo dhawaan lagu doortay xildhibaan C/laahi Goodax Barre.

Dilkaan ayaa la sheegayaa inuu geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana la qabtay oo la xiray askariga dilka ku kacay.

Ilaa iyo haatan lama oga uljeedka ka dambeysay dilka marxuumka, balse warar madax banaan oo ay heleyso warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaya in dilka ergaygaasi uu yimid kadib markii marxuumka la dilay uu diiday lacag uu ka dalbaday askariga, iyadoo lagu tabayo ergada doorashada inay lacago fara badan heleen.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!