Doorashada Aqalka hoose oo ka dhacday Cadaado iyo musharixiin qaarkood oo isaga baxay doorashada

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay ka dhacday doorashadii xubnaha deegaanada Galmudug u matalaya Aqalka hoose ee baalamaanka Soomaaliya.

Xubnaha maanta halkaasi lagu doortay ayaa ahaa laba musharax, iyadoona musharixiinta kale aysan maanta soo xaadirin goobtaasi, waxaana kursiga koowaad oo beesha Cayr/Habargidir ku tartamaayay musharixiinta kala ah

1-  C/xakiin Macalin Axmed

2- Shukri Cabdi Faarax

C/xakiin Macalin Axmed oo hore u ahaa wasiir ka tirsan maamulka Galmudug, ayaa ku guuleystay doorashadaasi wuxuuna helay 40 cod, kadib markii uu la tartamay Shukri Cabdi Faarax oo iyadana heshay 5 cod, waxaana tirada guud ee ergada dooratay ay gaareysay ilaa 45 ergo.

Dhinaca kale, kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamaayay beesha Sheekhaal/Loobage/Caagane, waxaana kursigaan uu ahaa mid muddooyinkii ugu dambeysay ay dood weyn ka taagneed, waxaana kursigaan ku magacawnaa afar musharixiin oo kala ahaa

1- C/raxmaan Xasan Cilmi (Cowle)

2- Salaad Cilmi Axmed

3- Cali Axmed Shariif (Cali Yare)

4- C/risaaq Maxamed Axmed

Kursigaan ayaa si musuq maasuq iyo isdaba marin ah ugu soo baxay Cali Axmed Shariif (Cali Yare), oo helay 49 cod, wuxuuna la tartamaayay C/risaaq Maxamed Axmed oo la sheegayo inuu ka tanaasulay tartanka doorasho, waxaana ergada wax dooranaysay ay gaarayeen ilaa 51 ergo.

Warar hoose ay warbaahinta Bulshoweyn ka heleyso magaalada Cadaado ayaa sheegaya in doorashada ay isaga hareen labada musharax kale ee kala ahaa, C/raxmaan Xasan Cilmi (Cowle) iyo Salaad Cilmi Axmed, kadib markii ay sheegeen in wax isbada marin iyo musuq maasuq ay ku kaceen ergadii wax dooranaysay.

Ugu dambeyntii, labada musharax ee maanta kusoo baxay doorashada xubnaha Galmudug u matalaya Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa wadarta guud waxay ka dhigeysaa 32 xildhibaan, waxaana weli harsan 4 kursi oo lagu wado in lasoo dhameystiro maalmaha soo socda.

error: Content is protected !!