Doorashada xubnaha Somaliland ee Aqalka hoose oo maanta ka dhaceeysa magaalada Muqdisho

Doorashada xubnaha u matalaya deegaanada Somaliland ee Aqalka hoose ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa sheegay in doorashada xubnaha Somaliland ee Aqalka hoose ay maanta ka dhici doonto xarunta gaadiidka booliska oo ku taalo degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada booliska iyo kuwa nabad-sugidda qaranka ayaa maanta si weyn u adkeeyay dhamaan wadooyinka soo gala xarunta ay doorashadu ka dhaceeyso, waxaana saacadaha soo socdo la filayaa in doorashada ay si toos ah u bilaabato halkaas.

Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda deegaanada Somaliland ayaa maalmo kahor codsaday in doorashadaasi lagu qabto xarunta Xalane oo ay ku sugan yihiin ciidanka AMISOM, balse lama oga waxa badalay go’aanka odayaasha Somaliland.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa warqad uu soo saaray kusoo dhaweeyay codsiga odayaashaasi, isagoona tilmaamay inay wanaagsan tahay in la tixgeliyo codsiga odayaasha Somaliland ee ahaa in doorashada lagu qabto xarunta Xalane.

Si kastaba, saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in doorashada xubnaha Somaliland ee Aqalka hoose baarlamaanka Soomaaliya lagu doorto xarunta gaadiidka booliska degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!