Shir ka furmi doonno magaalada Muqdisho iyo waxyaabo xasaasi ah oo looga hadli doonno (AKHRISO)

War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen wakiilada Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maalinta berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 7-da bisha December uu shir ka furman doonno magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Shirkaasi ayaa la sheegayaa inay ka qeyb gali doonaan madaxda madasha qaranka Soomaaliya, waxaana shirkaasi looga hadli doonnaa arrimaha doorashooyinka ka socda dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa cabashooyinka ka imaanaya qaar ka mid ah beelaha soomaaliyeed iyo sidoo kale musharaxiinta labada gole.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in arrinta kale ee ugu weyn ee shirka looga hadli doonno uu noqon doonno cabashooyinka ay Puntland ka qabto doorashada dadban, maadaama ay hakad gelisay doorashadii ka socotay deegaanadeeda

Puntland ayaa sheegtay in sababta ay hakadka u gelisay doorashadii Aqalka hoose ee ka socotay deegaanadeeda ay sabab u tahay in xubnaha gobolada Sool iyo Sanaag kasoo galaya baarlamaanka ay iyadu dooneyso in magaalada Garoowe lagu doorto, balse aanu dooneyn in lagu dooran magaalada Muqdisho.

Dhinac kale, waxaa gelinka dambe ee maanta la filayaa in qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyadda dalka ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, si ay uga qeyb-galaan shirka maalinta berri ah bilaaban doonna.

Si kastaba, lama oga waxyaabaha shirkaasi laga filan karo, waxaana aad u yar xilliga doorashada madaxtinimada dalka ku dhici karto maadaama dhowr jeer hore uu dib u dhac ku yimid.

error: Content is protected !!