Madaxweyne Xasan Sheekh oo war kasoo saaray doorashada beelaha Dir ee gobolada waqooyi

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray dooroshada beelaha Dir ee gobolada waqooyi Somaliland oo maalintii shalay ka bilaabatay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn u hambalyeeyey guddiyada doorashooyinka dadban, madaxda dhaqanka gobolada woqooyi , ergooyinka gobolada woqooyi doorashada golaha shacabka oo maalintii shalay ka bilawday magaalada Muqdisho.

“Doorashooyinka golaha shacabka ee ka bilawday Muqdisho, waxay sii adkeneysaa sida dhammaan ummadda Soomaaliyeed uga go’an tahay inay ka gudbaan marxaladaan tariikhiga ah ee ay ku dhismeeyso Soomaaliyada cusub, oo si wada-jir ah ugu diyaarsan horu-socod iyo u bislaashiyaha dowladnimada iyo raadinta midnimada qaranimada Soomaaliyeed” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahad celiyay guddiga doorashooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo in muddo ah waday qorshaha hannaanka doorashooyinka 2016-ka oo ku guuleystay in doorashooyinka golaha shacabka inay qabsoomaan in ka badan intooda badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale baaq u diray madaxda dhaqanka beelaha gobolada woqooyi, guddiyada doorahsooyinka dadban ee heer federaal iyo kan gobolada waqooyi inay xaqiijiyaan doorka qoondada haweenka ee lagu heshiiyay oo ah 30% (Boqolkiiba Sodon).

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka digay fara-gelin lagu sameeyo guddiyada madaxa banaan ee doorashooyinka dadban, wuxuuna ku baaqayaa in la ilaaliyo habraaca doorashooyinka ee horey loogu heshiiyay lagana fogaado wax walba oo wax u dhimaayo habsami u socodka doorashooyinka.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay shacabka, ciidamada ammaanka qaranka Soomaaliyeed, kuwa AMISOM, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka dulqaadkooda iyo ka qeyb qaadashadooda ku aadan in lasoo gaaro maanta, in heer gaba-gaba ah ay marayaan doorashooyinka dadban ee ka dhacay 6 magaalo oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!