Musharax Tarsan oo fariin dar-daaran iyo cabsi gelin ah u diray xildhibaanada cusub ee lasoo doortay (AKHRISO)

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, haatanna ah musharax u taagan doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa fariin dar-daaran ah u diray xildhibaanada cusub ee dhawaan lagu soo doortay magaalooyinka maamul goboleedyadda dalka.

Mr. Tarsan oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal u muuqda mid uu kula dar-daarmayo xildhibaanada dhawaan lasoo doortay ayaa loo fasiran karaa mid uu kaga wal-wal qabo in xildhibaanadaasi ay lacag laaluush ah ka doortaan danta dadka, dalka iyo diinta.

Sidoo kale, Mr Tarsan ayaa xasuusiyay xildhibaanada labada Aqal ee lasoo doortay in xilalka loo doortay loo dhaarin doonno islamarkaana maalinta khiyaamo uu ALLE wax ka weydiin doono.

Qoraalka uu Mr. Tarsan ku qoray bartiisa Facebook-ga ayaa u qorneyd sida hoos ku xusan:-

WARQAD FURAN OO KU SOCOTA XILDHIBAANADA CUSUB EE LOO SOO DOORTEY BARLAMAANKA DFS.

Waxaan rabaa inaan idin xasuusiyo mas’uuliyadda dusha la idiin saarey oo shacabka Soomaaliyeed aad u heysiin, si kastaba ha la idinku soo doorto, si kastaba ku imaada meesha aad maanta jogtaan hal arin ayaad ka siman tihiin una siman tihiin, taas oo ah seddexda arrin oo la idinku dhaarin doono.

Waxaad ku dhaaran doontaa Illahay hortiisa, seddex magaca oo ah “WALAAHI” BILAAHI” TALAAHI” inaan ka shaqeyn doono “DANTA DADKA” “DALKA” DIINTA” dhaartaas waxaa marqaati ka ah Ilaahaga na abuurey oon dib ugu noqon doono iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhaartaas waxey buruneysaa dhaar kasta oo aad hore ugu soo martey shaqsi raba inuu dantiisa gaarka ah ku gaaro.

Waxaan idinku baraarujini in marka aad codeyneysiin oo aad ku jirtaan qolka yar ee aad warqada ku xariiqeysiin in aad ogataan in qolkaas la mid yahay qabriga labada miter ah oo uusan jirin qof kula jooga inta aan aheyn adiga iyo Illaahagii aad ku hor dhaaratey. Illaahey iyo shacabka Soomaaliyeed waxey kaa sugahayaan inaad fulisaan waxaad ku dhaaraateen oo ah Danta Dalka, Dadka Diinta.

error: Content is protected !!