Dhamaan duulimaadyadii ka jiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo maanta hakad ku jira (AKHRISO)

Waxaa maanta hakad ku jira dhamaan duulimaadyaddii ka jiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii sida la sheegay ay shaqo joojin sameeyeen shirkadaha diyaaradaha ka howlgala garoonkaas.

Hakadkaan ku yimid duulimaadyadii ka jiray garoonka Aadan Cadde ayaa sida la sheegay ka dambeeyay kadib markii shirkadaha ka shaqeeya garoonkaasi lagu amray in lacago dheeri oo canshuur ah ay ku daraan qiimaha ay ku jarayaan tikidka.

Shirkadahaan oo isugu jira kuwa sameeya duulimaadyadda gudaha iyo dibadda ayaa la sheegayaa inay ka biyo diideen amarkaan cusub ee lagu soo rogay, islamarkaana ay shaqada joojiyeen illaa amar dambe.

Mas’uuliyiinta ka tirsan shirkadahaasi maanta shaqo joojinta sameeyay ayaa sheegay in markii horeba ay dhib ku qabeen amar ay hore usoo saartay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Amarkaasi la faray shirkadahaasi ayaa ahaa in rakaabka waliba oo dibadda u dhoofaya ay ka qaadaan lacag canshuur dheeraad ah oo dhan $20, balse haatan lagu amray inay ka qaadaan $30 qofkiiba.

Sidoo kale, dadka u dhoofaya gobolada dalka gudihiisa oo hore looga qaadi jiray $10 ayaa shirkadahaasi lagu amray inay haatan ka qaadaan $20 qofkiiba, taas oo ay shirkadahaasi ka biyo diideen.

Dhinaca kale, dad badan oo saakay ka dhoofi lahaa garoonka Aadan Cadde ayaa la sheegayaa inay halkaasi ku xayirmeen, waxayna dadkaasi markii dambe dib isaga noqdeen guryahooda.

Si kastaba ha ahaatee, saacadihii ugu dambeeysay ayaa waxaa kulan wada yeeshay mas’uuliyiinta shirkaddaha diyaaradaha ka howlgala garoonka Aadan Cadde ee Muqdihso iyo madaxda shirkadda FAVORI, kaas oo ugu dambeyn fashil ku dhamaaday.

error: Content is protected !!