Ilhaan Cumar oo sheegtay inay la kulantay hanjabaad weli madaxeeda ka dhex guuxaya (AKHRISO)

Haweeneydii ugu horeeysay ee Soomaaliyeed islamarkaana ka mid noqota Aqalka Senate-ka Mareykanka Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in maalintii shalay uu nin Taksiile ah u hanjabay, xilli ay ku sugneed magaalada Washington ee caasimada dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar ayaa barteeda Facebook-ga ku sheegtay inay la kulantey Islam naceyb oo uu ku sameeyey nin wadde ka ahaa taksi ay u isticmaaleysay in hoteelka ay daganeyd ku tagto.

Waxay Ilhaan Cumar sheegtay in ninka taksiilaha ahaa uu iyada ku tilmaamay inay ka mid tahay ISIS, islamarkaana ugu hanjabay inuu si xoog leh uga qaadayo xijaabka ay xilligaasi xirneed.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xilligii ay arrinkaasi la kulmeysay doonaysay inay dib ugu soo noqoto Hoteel ay deganayd, kadib markii ay kasoo qeyb-gashay kulan ka dhacaayay Aqalka Cad ee Mareykanka.

Kulankaasi ayay ku sheegtay inuu ahaa mid ay ku doonaysay inay wax badan kaga barato siyaasadaha qaar oo ay ku shaqeeyaan gobolada Mareykanka, oo ay iyada si gaar ah u xiiseynaysay.

Ugu dambeyntii, Ilhaan Cumar ayaa sheegtay dhacdada ay kala kulantay ninkaasi taksiilaha ahaa uu weli ka guuxayo madaxeeda, islamarkaana ku tilmaamtay mid ku saleysan Islaam naceyb.

error: Content is protected !!