Qodobo hordhac ah oo laga helaayo waxyaabaha shirka madasha qaran ee Muqdisho looga hadlay

Waxaa maalintii labaad xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ka socda shir ay isugu yimaadeen madaxda madasha qaranka.

Shirkaan ayaa sidoo kale kasoo qeyb-galay wakiilo ka socda beesha caalamka iyo guddiga doorashoiyinka ee heer federaal, waxayna dooda ugu adag ay ka jirtaa qodobada qaar oo madaxdu ay isku fahmi la’yihiin.

Madaxda madasha ayaa shirkooda uga doodaya arrimo ku saabsan doorashooyinka dalka, inkastoo madaxdaasi aysan shirka si rasmi ah uga hadlin.

Maalintii shalay ayaa waxaa shirkaasi la isku soo qaaday hormadaradda ilaa iyo haatan laga gaaray doorashooyinka iyo sida ay gaba gabada ugu dhow yihiin, waxaana qodobadda shirka looga hadlaayo ka mid ah:

  • Dhameystirka hannaanka doorashada dadban
  • In la cayimo waqtiga guud ahaan doorashada lasoo gaba-gabeynayo
  • In la dadejiyo doorashada Aqalka hoose iyo midda Aqalka sare
  • In xal laga gaaro muranka Puntland iyo gobolada waqooyi
  • In laga hadlo qoondada haweenka
  • In la xaliyo kuraasta muranka ka jiro ee Aqalka hoose
  • In doorashada madaxtinimada lagu qabto inta aysan dhamaan sanadka 2016-ka
  • In la fududeeyo tasiilaadka ay doorashada u baahan tahay

Warar hordhac ah oo ay warbaahinta Bulshoweyn ka heleyso shirka ayaa sheegaya in la isku raacay in muranka ka taagan xildhibaanada Aqalka sare ee beelaha gobolada Sool iyo Sanaag loo daayo inay xal kama danbeys ah ka gaaraan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid iyo guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Shirkaan maalintiisa labaad ka soconayo magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in xilliyadda soo aadan lasoo gaba-gabeeyo islamarkaana laga soo saaro war-murtiyeed ay si wadajir ah usoo saareen madaxda madasha wadatashiga qaran.

error: Content is protected !!