Beelaha ay kasoo jeedaan xubnaha gobolada waqooyi ee maanta ku tartami doonto doorashada Aqalka hoose

Waxaa maanta xarunta gaadiidka booliska ee magaalada Muqdisho ka bilaabatay doorashada xubnaha gobolada waqooyi ee Somaliland oo ku tartami doonto Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona ammaanka goobtaasi si weyn loo adkeeyay.

Doorashada oo haatan si toos u ah u socota ayaa lagu wadaa in lagu soo doorto 11 kursi oo gobolada waqooyi ee Somaliland uga mid noqon lahaa baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ergada dooranaysa kuraastaasi ay uga duwan tahay ergooyinka kale iyadoo hal ergo ay dooraneyso ilaa saddex musharax.

Beelaha gobolada waqooyi degga ee ku tartamaya doorashada maanta ayaa kala ah sidatan:-

  • Beelaha Carab (Abaddala Carab, Abadalla Muuse iyo Maxamed Fanax) waxaa ay dooran doonaan hal 1 kursi
  • Beesha Cidagale (Dhamal Aadan iyo Abokar Muuse) waxa ay ku tartami doonaan labo kursi
  • Beesha Habar Jeclo (Muuse Abokar) waxay ku tartami doonaan labo kursi
  • Beesha Habar Yonis (Cabdalla Ismaaciil) waxay ku tartami doonaan hal kursi
  • Beesha Habar Yonis ( Cali Saciid iyo Isxaaq) waxay ku tartami doonaan labo kursi
  • Beesha Samaroon (Makaahiil) waxay ku tartami doonaan seddex kursi

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in doorashada ay soo gaba-gaboowdo.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!