C/weli Gaas oo magaalada Nairobi kulamo kula yeeshay madax ka socota beesha caalamka (SAWIRO)

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii ugu dambeeysay safaro kala duwan ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa ugu dambeyn lagu arkay isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Sawiro ay shaacisay madaxtooyada Puntland ayaa muujinaya in madaxweyne Gaas uu magaalada Nairobi kula kulmay safiirka Hindiya u fadhiya Soomaaliya iyo sidoo kale madaxda bankiga adduunka ee ku sugan dalkaasi, waxaase hore loo shaaciyay inuu tagayo dalka Mozambique.

Madaxweyne Gaas ayaa lagu tiriyaa madaxweynaha maamul goboleedyadda dalka ka jira ee ugu safarka iyo socdaalka badan, isagoona toddobaad gudihiis laba jeer tegay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halka Nairobi ay u noqotay xarun uu isaga daba laabto.

Dhinaca kale, madaxweyne Gaas ayaa ka maqnaa shirkii madaxda madasha wadatashiga qaran ee lagu qabtay magaalada Muqdisho 7-8 bishaan December, balse waxaa la filayaa in shirka dambe ee dhici doonno uu ka qeyb galo.

error: Content is protected !!