Doorasho farsameysan oo ka dhacday Jowhar iyo wasiir hore tartanka looga joojiyay oo la doortay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in doorasho aan hore loo arag ay halkaasi ka dhacday, taas oo lagu doortay laba kursi oo mudooyinkii ugu dambeysay muran ka taagnaa, kaas oo lagu dooranaayay kursiga beesha Jiidle/Gugundhabe iyo Beesha Carab Soomaali.

Qaar ka mid ah guddiga doorashada Hirshabeele oo kaashanaya maamulka halkaasi ayaa la sheegayaa inay qaban-qaabiyeen fal loo ekeysiiyay doorasho, balse aheyd is-magaaabid oo la sheegay in lagu doortay labadii kursi ee la isku haayay.

Labadaasi kursi ayaa la sheegayaa in lagu doortay wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed C/laahi Nuux oo hore guddiga doorashada uga reebay tartanka doorashada iyo kursiga kale ee beesha Carab Soomaaliya oo isna si farsameysan uu ugu soo baxay C/casiis Saalax Carmaan oo ah wasiir ku-xigeenkii beeraha Soomaaliya.

Wasiir Nuux ayaa la sheegayaa inuu helay 45 cod, wuxuuna tartanka kaga guuleystay musharaxa la tartameysay oo lagu magacaabo Hinda C/laahi Cumar.

Dhawaan ayay ahayd markii war-saxaafadeed ay soo saareen guddiga federaalka ee doorashooyinka dadban ay tartanka doorashada uga reebeen wasiirka dhalinyarada isboortiga Maxamed C/laahi Xasan Nuux iyo musharaxa kale ee xilligaasi la tartmaayay Axmed Sheekh Nuur Cirro, kaddib markii lagu eedeeyay inay inay sabab u ahaayeen fowdo iyo shaqaaqo 18-kii bishii November ka dhacday magaalada Jowhar.

Ilaa iyo haatan lama oga waxa ay guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ka dhihi doonaan doorashada kursiga Beesha Jiidle/Gugundhabo ee loogu doortay wasiirka isbooriga Maxamed Xasan Nuux oo ay dhowaan ka reebeen inuu u tartamo kursigaan.

Dhinaca kale, madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble iyo madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa inay ka danbeeyeen afduubka ka dhacay labadii kursi ee sida farsameysan maanta loogu soo doortay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

error: Content is protected !!