Michael Keating oo warqad qoraal ah u diray madaxda madasha qaran iyo codsi uu u diray madaxdaas (AKHRISO)

Warqad qoraal uu soo saaray ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayuu ku sheegay in madaxda madasha qaran ay go’aan ka gaaraan khaladaadka ka dhacay doorashada dalka.

Amb. Michael Keating ayaa warqadaasi ku sheegay in isaga iyo wakiiladda beesha caalamka ay ka wel-welsan yihiin in guddiga xalinta khilaafaadka aysan u suurta-gelin inay fuliyaan waajibaadkooda, waqtigii loogu talo-galay ayna qaataan go’aanada kiisaska hor-yaala.

Sidoo kale, Michael Keating ayaa ka dalbaday madaxda madasha qaran inay gacan siiyaan guddiga sidii ay go’aano uga gaari lahaayeen kiisaska ku saabsan dacwooyinka doorashada gaar ahaan kuwooda ugu adag.

Ugu dambeyn, Michael Keating ayaa ku baaqay in madaxda madasha qaran iyo guddiga xalinta khilaafaadka ay si wadajir ah uga hadlaan dacwooyinka adag, si arrinkaasi looga hadlo shirka madasha ee dhici doonna 13-ka December ee sanadkaan.
 
error: Content is protected !!