Mid ka mid ah kuraasta Aqalka hoose ee beesha Mareexaan oo maanta lagu doortay magaalada Cadaado

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta halkaasi ka dhacday doorashada hal kursi oo ka mid ah Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Waxaa kursigaasi maaanta la doortay ku tartamayay Faarax Cabdi Xasan iyo Aamina Daahir Salaad oo kasoo jeeda beesha Mareexaan/Bah Ogaadeen.

Tartanka doorashada kursigaasi ayaa la sheegayaa inuu ku guuleystay Faarax Cabdi Xasan oo helay 44 cod, halka  Amina Daahir Salaad ay iyadane heshay 2 cod.

Dhamaan ergadii codeysay ayaa lagu sheegay inay gaareysay 46, waxaana kursigan uu noqonayaa midkii 34-aad ee magaalada Cadaado lagu doorto, iyadoona ay weli harsan yihiin 2 kale.

Dhinaca kale, Yuusuf Diiriye Maxamuud oo ah afhayeenka guddiga doorashooyinka ee maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada ka dhacday magaalada Cadaado, waxaana weli magaaladaasi ka socdo doorashada lagu soo dooranayo labada xildhibaan kale ee harsan.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!