Al-shabaab oo sheegatay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday dekedda Muqdisho

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday afaafka hore ee dekedda magaalada Muqdisho, kaas oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkaasi ayaa la sheegay inay ku geeriyootay ku dhawaad 20 qof oo isugu jira dad shacab iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana weerarka uu ahaa mid lagu bar-tilmaameedsanayay dhismaha laanta canshuuraha looga qaado gaadiidka oo ku taalo dekedda Muqdisho.

Afhayeenka Al-shabaab u qaabilsan howlgalada Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo wareysi siiyay wakaalada wararka ee REUTERS ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen saraakiil badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in loo tababaraayay inay sugaan ammaanka doorashada dalka.

“Hadafkii aynu ka lahayn weerarkii maanta waynu gaarnay, waxaan dilnay 30 ka mid ah ciidanka ammaanka, waxaana dhaawacnay 50-kale, waayo waxay ahaayeen ciidankii loo tababaray inay sugaan ammaanka wax loogu yeeray doorashadda” Sidaasi waxaa yiri Sheekh C/casiis Abuu Muscab.

Sidoo kale, Xarakada Al-shabaab ayaa hore u sheegtay inay gebi ahaan kasoo horjeedaan doorashada ka dhaceeyso Soomaaliya, oo ay ku tilmaameen doorasho ay wataan dad ajaanib ah.

Dhinaca kale, saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya oo warbaahinta Bulshoweyn la hadlay ayaa u xaqiijiyay in qaraxii maanta ka dhacay dekeda magaalada Muqdisho lagu dilay ugu yaraan 30 qof, laguna dhaawacay 50 kale, oo u badan dad shacab ah.

Qaraxaasi ayaa la aaminsan yahay inuu ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay afaafka hore ee dekeda Muqdisho, gaar ahaan laanta qeybta lagu qaado canshuuraha.

Dadka ugu badan ee waxyeelada kasoo gaartay weerarkaasi ayaa u badnaa dad xoogsato iyo ganacsato isugu jira, kuwaas oo ku sugnaa nawaaxiga dekeda gaar ahaan dhismaha laanta canshuuraha lagu qaado.

error: Content is protected !!