Guddiga doorashooyinka dadban oo kasoo horjeestay doorashadii lagu doortay wasiir Nuux (AKHRISO)

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan doorashadii shalay ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Doorashadii shalay ayaa la sheegay inuu si musuq maasuq ah ugu soo baxay wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Xasan Nuux, kaas oo ay guddiga hore uga mamnuuceen doorashada.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu muujiyey in guddiga doorashooyinka oo tixraacaya warqadii ay bishaan December 7-dii go’aanka looga gaaray kursiga beesha Jiidle/Gugundhabe.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in guddiga doorashada Hirshabeele aysan sharciyad u laheyn inuu doorasho u qabto musharax tartanka laga reebay.

Guddiga ayaa ku cel-celiyay in dhamaan musharaxiintii horey looga reebay tartanka aysan marnaba uga qeyb qaadan karin hannaanka doorashooyinka dadban ee sanadkan 2016-ka.

Dhinaca kale, guddiga ayaa sheegay inuusan marnaba aqoonsan doonin natiijada kuraasta lagu doortay hanaanka aan waafaqsanayn heerka doorashooyinka.

Ugu dambeyntii, guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa ugu baaqay odayaasha beesha Jiidle/Gudundhabe inuu soo xulo ergo doorasho cusub, maadaama uu isagu mas’uul ka yahay kursiga beeshaasi ay ku leedahay Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

error: Content is protected !!