Magacyada iyo qabiilada ay kasoo jeedaan xildhibaanadii maanta lagu doortay Garoowe (AKHRISO)

Waxaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal lagu doortay 4 xildhibaan oo Puntland u matali doona Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Doorashadaan oo ahayd mid ay ku tartamayeen musharixiin badan ayaa maanta lagu doortay xildhibaanadii ugu dambeysay ee ka mid noqon doonna 37-ka xildhibaan ee Puntland u matali doonta Aqalka hoose ee baarlamaanka cusub Soomaaliya.

Waxaa goobta ay doorashada ka dhaceeysay maanta goob-joog ka ahaa guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland iyo heer federaal, iyo sidoo kale kor-joogayaal ka socda bulshadda rayidka ah.

Hoos ka aqriso magacyada iyo qabiilada ay kasoo jeedaan 4-ta xildhibaan ee la doortay

1-  Canab Xasan Cumar Jaamac oo u dhalatay beesha Dhul-bahante/ Siyaad, waxay heshay 45 cod.

2- Axmed Ismaacil Shabeel oo u dhashay beesha Dhul-bahante / Khaalid, wuxuu helay 45 cod.

3- Axmed Maxamuud Dubays oo u dhashay beesha Dhul-bahante / Reer Axmed, wuxuu helay 42 cod.

4- Deeqa Siciid Xasan ” Warmajaanle” oo u dhalatay beesha Majeerteen/ Cismaan Maxamuud (Isxul), waxay heshay 50 cod.

Waxaa weli harsan hal xildhibaan, iyadoona hadii halkaasi xildhibaan lasoo doorto ay ka dhigan tahay in doorashada xubnaha Puntland u matali doona Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ay soo gaba-gaboowday.

error: Content is protected !!