XOG:- Tirada xubnaha laga saari doonno liiska labada Aqal oo dhawaan la shaacin doonno (AKHRISO)

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa la filayaa inay dhawaan ku dhawaaqaan shaqsiyaadka laga reebay doorashooyinkii dhawaan ka kala dhacday magaalooyinka ku yaala maamul goboleedyada dalka.

Waxaa la filayaa in guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ay dhawaan soo saaraan magacyada xubnaha laga saaray liiska xildhibaanada ku guuleystay labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xubnaha sida weyn loo hadal haayo in laga saari doonno liiska labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaraya ilaa 23 xubnood, kuwaas oo lagu soo kala doortay caasimadaha maamul goboleedyada dalka.

Inkastoo aysan inoo suurto-galin inaynu helno magacyada xubnaha laga saari doonno labada Aqal, ayaa hadane warbaahinta Bulshoweyn waxay heshay tirada xubnahaasi, waxayna kala yihiin sida soo socoto:-

  • 11 xubnood ayaa laga saari doonaa maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
  • 4 xubnood ayaa laga saari doonaa maamul goboleedka Puntland
  • 3 xubnood ayaa laga saari doonaa maamul goboleedka Galmudug
  • 3 xubnood ayaa laga saari doonaa maamul goboleedka Hirshabeele
  • 2 xubnood ayaa laga saari doonaa maamul goboleedka Jubbaland

Dhinaca kale, tiradda xubnaha laga saari doonno liiska ayaa waxaa laga yaabaa inay wax iska bedelaan, iyadoona arrintaan ay imaaneyso kadib markii guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal iyo guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka ay soo gaba-gabeeyeen baaritaankooda iyo gar-qaadista dacwadaha laga keenay doorashooyinkaas.

Doorashooyinka ka dhacay magaalooyinka maamul goboleedyada dalka ayaa lagu tilmaami karaa midii ugu musuq badneyd ebed ee ka dhacday dalka Soomaaliya, iyadoona inta badan xubnahaasi si layaab leh lagu soo doortay.

error: Content is protected !!