War-saxaafadeed uu soo saaray siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayuu ku sheegay inuu ka fiirsan doono ka qeyb-galka tartanka doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.
C/raxmaan C/rashuur Warsame oo haatan ka mid ah musharixiinta u tartameeysa doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedka uu soo saaray ku sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu fara-gelin baahsan ku haayo doorashada.
Wuxuu sidoo kale, C/raxmaan C/shakuur ku eedeeyay guddiga xalinta khilaafaadka doorashada inay noqdeen koox u janjeerta dhinaca madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana si ula kac ah u ansixiyeen xildhibaano kusoo baxay awood iyo laaluush.
Dhinaca kale, siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa ku hanjabay in hadii ay arrimaha sidaan kusii socdaan uu isaga hari dooni tartanka doorashada madaxtinimada dalka ee dhawaan dhici doonta.
Ugu dambeyntii, C/raxmaan C/shakuur ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo inta daneeysa natiijada doorashada Soomaaliya inay dib u eegis ku sameeyaan natiijada kasoo baxday doorashada.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka uu maanta soo saaray C/raxmaan C/shakuur Warsame