Doorashada xubnaha gobolada waqooyi ee Aqalka hoose oo maanta lasoo gaba-gabeyn doono

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya lagu wadaa in lagu soo gaba-gabeeyo doorashada xubnaha deegaanada gobolada waqooyi u matalaya Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Doorashadaan ayaa ka dhici doonto xarunta gaadiidka booliska degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in maanta guud ahaan tiradooda lasoo dhameystiro.

Xildhibaanadaasi ayaa la filayaa in maalinta berri ah loo dhaariyo xilalka loo soo doorto, waxayna xubnahaasi tiro ahaan ay gaarayaan ilaa 46 xildhibaan, iyadoona hore loo soo doortay ilaa 19 xildhibaan.

Doorashadaan ayaa la sheegayaa inay maanta socon doonto ilaa caawa, waxaana la filayaa in lagu soo doorto 27-ka xildhibaan ee ka harsan 46-ka xildhibaan ee deegaanada gobolada waqooyi u matali doono Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!