Hay’adda nabad-sugidda oo soo bandhigtay kartoomo ay ku jiraan dhalooyin khamri ah

Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay kartoomo fara-badan oo ay ka buuxaan khamri, kadib howlgal ay ciidankooda ka sameeyeen degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka NISA ayaa howlgal baaritaano ah ku sameeyay bakhaar weyn oo ku yaala gudaha degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho, kadib markii ciidankaasi lagu soo wargeliyay in bakhaarkaasi khamriga lagu keydiyo.

Saraakiisha nabad-suggida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in la gubbi doono dhamaan kartoomada khamriga ee lagu soo qabtay howlgalka ay ciidankooda ka sameeyeen degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishaasi ayaa sidoo kale sheegtay in ciidankooda ay ku ammaanan yihiin howlgalka ay kusoo qab-qabteen waxyaabahaasi maanka dooriya oo ay ku tilmaameen inuu dadka khamrigaasi isticmaalo ay qeyb ka yihiin dadka amni xumidda ka wada magaalada Muqdisho.

Waxay saraakiishaasi sidoo kale sheegeen in ciidankooda ay sii waddi doonaan howlgalada ceynkaan oo kale ah oo lagu bar-tilmaameedsanayo meelaha ay ku keydsan yihiin khamrigaasi oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Si kastaba, dhawaan ayay ahayd markii howlgal ceynkaan oo kale ah ay ciidanka NISA ka sameeyeen guri ku yaala degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay kusoo qab-qabteen kartoomo badan oo ay ka buuxaan dhalooyin khamri ah.

error: Content is protected !!