Ciidanka AMISOM oo maanta si arxan darro ah gaari u marsiiyay haweeney waayeel ah

Kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa maanta haweeney waayeel ah si arxan darro ah ugu jiiray inta u dhaxeeysa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Dad goob-joogayaal ah ayaa warbaahinta Bulshoweyn u sheegay in ciidanka AMISOM ay si ula kac ah u jiireen haweeney waayeel ah oo da’deeda lagu qiyaasay 60 sano jir, kadibne ay goobta isaga dhaqaaqeen.

Haweeneydaasi ayaa la sheegayaa inay isla goobta ku geeriyootay, waxaana markii dambe halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliyeed oo eryaday gaarigii ay wateen ciidanka AMISOM.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in ciidanka booliska Soomaaliya ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan askarigii gaariga jiirsiiyay haweeneydaasi waayeesha ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska dowladda federaalka Soomaaliya oo aynu qadka teleefanka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in dhacdadaan ay baaritaan ku sameeyn doonaan islamarkaana sida sharciga qabo la waafajin doono.

Si kastaba, ciidamada AMISOM ayaa dhowr jeer hore dad shacab ah, si ula kac ugu jiiray wadooyinka ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoona ilaa iyo haatan aanay jirin cid wax ka qabata dhibaatooyinka ay ciidankaasi ku haayaan shacabka Soomaaliyeed.

error: Content is protected !!