DEG DEG:- Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo xaaladda oo kacsan

Qarax aad u xoogan islamarkaana loo maleeynayo in loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa daqiiqado kahor ka dhacay maqaayadda The Village ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo ilaa iyo haatan la ogeyn inta uu qasaarihiisa gaarsiisan yahay, ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid si weyn looga maqlay degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay islamarkiiba soo gaaray gawaaridda gurmadka deg-dega ah iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan nabad-sugidda qaranka Soomaaliya.

Xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana haatan gubanaayo maqaayadda The Village iyo sidoo kale guriga hooyooyinka, iyadoona ciidanka nabad-sugidda ay haatan xireen wadada soo gasha goobta uu qaraxa ka dhacay.

Dhinaca kale, waxaa la sheegayaa inay dad badan ku dhinteen qaraxaasi, iyadoona sidoo kale ay tiro kale ku dhaawacantay, balse aan si rasmi ah loo ogaan karin inta ay tiradooda gaarsiisan tahay.

Warkaan oo faah-faahsan iyo sawirada dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!