Faah faahin:- Qaraxii maanta ka dhacay maqaayadda The Village ee magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax aad u xoogan oo maanta ka dhacay maqaayadda The Village oo ku taala guriga hooyooyinka degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa la sheegayaa in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay darbiga maqaayada The Village, iyadoona goobtaasi halmar lagu kala cararay.

Warar hoose ay warbaahinta Bulshoweyn heleeyso ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ahaa mid loola dan lahaa sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliyeed, kaas oo xilligaasi maraayay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Sarkaalkaasi ayaa la sheegayaa inuu qaraxa ka bad-baaday, balse waxaa ku dhaawacantay 5 qof oo la sheegayo in 4 ka mid ah ay ahaayeen dad shacab ah, halka qofka kale uu ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka ayaa qaraxa kadib soo gaaray goobtaasi, waxayna bilaabeen howlgalo baaritaano ah, oo ay ku ogaanayaan sida ay wax u dhaceen.

Sidoo kale, gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa goobtaasi ka qaaday dadkii qaraxa ku dhaawacmay.

Qofka kaliya ee la sheegayo inuu ku dhintay qaraxaasi ayaa ahaa ruuxii gaariga qarxay watay oo goobtaasi qaraxa ka fuliyay.

Maqaayadda The Village ayaa la sheegayaa inuu dab aad u xoogan ka kacay, iyadoona gaadiidka dab-damiska ay markii dambe ku guuleysteen inay dabkaasi baqtiyaan.

Muuqaalo laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinaya in bur-bur aad u xoogan uu soo gaaray maqaayada The Village ee ku taala guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, muddooyinkii ugu dambeysay waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanaya qaraxyada ismiidaaminta ah, waana qaraxii labaad oo muddo isbuuc gudihiisa ah magaalada ka dhaca, waxaana maalmo kahor qarax dad badan ku dhinteen uu ka dhacay afaafka hore ee dekadda magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!