Madaxda madasha Qaran iyo guddiga xalinta khilaafaadka oo maanta Muqdisho ku kulmaya

Waxaa maanta oo Jimco ah magaalada Muqdisho dib uga furmaya shirkii madaxda madasha Qaran, kaas oo qorshihiisa ahaa inuu qabsoomo 13-ka bishaan balse dib uga dhacay.

Madaxda madasha Qaran ayaa shirkaan diiradda ku saari doonno muranka hareeyay 11-ka kuraas ee dhawaantaan uu laalay guddiga xalinta khilaafaadka doorashada iyo sidoo kale arrinta ku saabsan xildhibaanada Aqalka sare ee ka imaanaya gobolada waqooyi.

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa la sheegayaa in shirkaan lagu casuumay, waxaana furitaanka shirkaan guddigaasi laga doonayaa inay warbixin ka keenaan kuraastii ay dhawaantaan laaleen.

Kulamo is-daba joog ah ayaa maalintii shalay ka dhacay magaaalada Muqdisho, kaas oo ay yeesheen wakiilo  ka socdo beesha caalamka iyo guddiga xalinta khilaafaadka, iyagoo ku taageertay go’aankooda ahaa xubnaha ay ku laaleen 11 kursi ee sida sharci darrada ahaa lagu soo doortay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!