Taliye ku-xigeenkii seddaxaad ee booliska Puntland oo u geeriyooday dhaawac shalay soo gaaray

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta uu halkaasi ku geeriyooday taliye ku-xigeenkii seddaxaad ee ciidanka booliska Puntland, Jaamac Saxardiid Cabdi, kaas oo maalintii shalay koox hubeysan ay dhaawaceen.

Allaha u naxariistee, taliyaha ayaa la sheegayaa in maalintii shalay dhaawac ahaan loo dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso, waxaana barqadii maanta la xaqiijiyay inuu dhaawacaasi u geeriyooday.

Koox hubeysan ayaa maalintii shalay rasaas ku furay taliyaha, waxaana markaasi soo gaaray dhaawac culus oo ugu dambeyn maanta ugu geeriyooday.

Ciidanka ammaanka maamulka Puntland ayaa sheegay inay aqoonsadeen kuwii ka dambeeyay dilka taliyaha islamarkaana dhawaan gacanta lagu soo dhigi doono.

Meydka taliyaha ayaa la qorsheeynayaa in dhawaan laga soo saaro isbitaalka ee magaalada Boosaaso islamarkaana halkaasi aas qaran loo sameeyo.

Dilka taliyaha ayaa waxaa durbadiida sheegtay kooxda Al-shabaab, inkastoo maamulka Puntland uu arrinkaasi weli ka hadlin.

error: Content is protected !!