Xildhibaanadii muranka ka taagnaa doorashadooda oo si deg deg ah lagu siiyay shahaadooyinka (SAWIRO)

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa shahaadooyin iyo kaarar aqoonsi ah siiyay xildhibaano muddooyinkii ugu dambeysay kuraastooda muran ka taagnaa oo ay beesha caalamka daba joogtay.

Inkastoo magaalada Muqdisho ay weli ka socoto bixinta shahaadooyinka xildhibaanada iyo kaararka aqoonsiga, ayaa hadane waxaa la dareemayaa in si gaabis ah ay u socoto howshaas, kadib markii laga dhigay shaqo adag oo u baahan in xildhibaankii ay ku qaadato in ka badan 2 saacadood.

Dhinaca kale, guddiga doorashada ayaa la sheegayaa inay si deg-deg ah u siiyeen shahaadooyinka iyo kaararka aqoonsiga xildhibaano gaaraya 7 oo ka mid ah 13 xildhibaan ee beesha caalamka ay ku daba jirto.

Xildhibaanadaasi ayaa la sheegayaa inay dacwad ka taagneyd kuraastooda, balse uu guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka si aan la fahmin uga reebay kuraasta la laalay ee gaareysay 11-ka kursi.

Ugu dambeyntii, xildhibaanada muranka ka taagnaa ee shahaadooyinkooda iyo kaararka aqoonsiga la siiyay ayaa waxaa ka mid ah, Saadaq C/kariin iyo C/qaadir Gaafow, kuwaas oo haatan si rasmi ah u helay shahaadooyinka iyo kaaraka aqoonsiga ee xildhibaanimada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

error: Content is protected !!