Abwaan Boon Xirsi oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa iyo aas qaran oo loo sameyn doono

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaaladda Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland ku geeriyooday Abwaankii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Xuseen Xirsi Caddib oo loo yaqaanay Boon Xirsi

Ehelada Abwaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xalay uu xanuun uu kusoo booday, islamarkaana uu xanuunkaasi ku geeriyooday isagoo ku sugan gurigiisa ku yaal magaalada Hargeysa.

Allaha u naxariistee, wuxuu Boon Xirsi ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1950, wuxuuna kasoo mid noqday hal abuuradda fanka iyo suugaanta Soomaalida kuwooda ugu magaca weyn.

Horaantii todobaatanaadkii wuxuu Abwaan Boon Xirsi kusoo biiray fanka iyo riwaayadaha Soomaalida.

Wuxuu Abwaan Boon Xirsi ka dhex muuqday masraxyo dhowr ah oo laga ka xusi karo, riwaayadii  “Jaceyl Waakane Kaalay” ee la dhigay 1974tii, oo uu ku matalaayay Digtoor, iyo riwaayadihii kale ee kal ahaa “Dumistii Aqalkayga iyo Arooskii Inankayga”, “Nin qasbaaya Jacayl Maloo Quudhi Karaa?”, “Bidaari Sibiq Bay Kugu Gashaa” iyo kuwo kale oo badan.

Allaha u naxariistee Abwaan Boon Xirsi ayaa lagu wadaa in aas qaran loogu sameeyo magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland, waxaana aaskiisa kasoo qeyb gali doono qaar ka mid ah madaxda Somaliland iyo fanaaniinta ku sugan halkaas.

error: Content is protected !!