Farmaajo oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho iyo taageerayaashiisa oo diyaar garoow ku jira (SAWIRO)

Waxaa maalinta Talaadada ah ee soo socoto lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya uusoo gaaro ra’iisul wasaarihii hore ee dowladdii KMG ahayd Soomaaliya islamarkaana ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Diyaar-garowga soo dhaweyntiisa ayaa waxa laga dareemayaa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoona qaar ka mid ah taageerayaashiisa oo u badan shacab iyo dad is-abaabulay ay wadooyinka Muqdisho ku marayaan gawaari ka badan 10 islamarkaana ay ku xiran yihiin sameecado waaweyn oo heeso wadani ah sii deynaya.

Imaanshiyaha Mr. Farmaajo ee magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inay isbedel weyn keento, wuxuuna markii uu yimaado magaalada uu qaban doonnaa xaflad uu ugu dhawaaqayo inuu u taagan yahay tartanka doorasho ee xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Mr. Farmaajo ayaa la sheegayaa labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya inuusan ka haysanin codad ku filan uu ku noqon karo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxaana laga yaaba inuu wareega koowaad ku haro sida hore u dhacday doorashadii 2012-ka oo uu wareegii koowaad kaga haray doorashada.

error: Content is protected !!