Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo lagu dhuftay Baasuuke iyo lix qof oo ku dhimatay

Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dad rayid ah oo saarnaa gaari Homey ah lagu dhuftay Baasuuke/Saban, xilli la sheegay inuu kusii jeeday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Ilaa 6 qof oo seddax ka mid ah ay ahaayeen dumar ayaa geeriyootay, halka seddaxda kalena ay ahaayeen niman, waxayna dhamaantood ahaayeen dad ganacsato ah.

Ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkaasi oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Sh/hoose ay falkaasi ka dambeeyaan.

Ma jirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya in weerarkaasi ay ka dambeeyaan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM, marka laga reebo eedeymaha kasoo baxaya ehelada dadka ku geeriyooday weerarkaas.

Sidoo kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobolka Sh/hoose, kaas oo ay kaga hadlayaan eedeymaha loo jeedinaayo.

Dhinaca kale, xaaladda degmada Qoryooleey ayaa saakay ah mid aad u kacsan, iyadoo meydadka dadka shacabka ah ee la laayay lagu wado in maanta aas loogu sameeyo degmadaasi.

error: Content is protected !!