Wararkii ugu dambeeyay shirka madasha qaran iyo dhowr qodob oo weli la isku mari la’yahay

Wararka naga soo gaaraya xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maalintii seddaxaad uu halkaasi ka soconayo shirkii madaxda madasha qaran, kaas oo maalintii Jimcaha ahayd dib u furmay.

Shirkaan oo qodobadii looga hadlaayay uu ahaa mid aad u kulul ayaa la isla gaaray xilli dambe ee xalay, waxaana weli muuqata in la isku af-garan la’yahay go’aamada kama dambeyska ah ee laga soo saari lahaa shirkaas.

Madaxda madasha Qaran ayaa lagu wadaa in maanta ay markale kulmaan islamarkaana ay xal ka gaaraan qodobada caqabadaha ku noqday horu-socodka shirka.

Qodobada ugu waaweyn ee weli isku mari la’yahay ayaa waxaa ka mid ah:-

  • 11-ka kuraas ee ka tirsanaa Aqalka hoose islamarkaana ay laaleen guddiga xallinta khilaafaadka
  • Xubnaha gobolada waqooyi u matalaya Aqalka sare
  • Qaabkii loo dhameystiri lahaa doorashada dalka
  • Waqtiga rasmiga ah ee la dooranayo madaxda sare ee dalka

Dhinaca kale, beesha caalamka ayaa cadaadis hor-leh saartay madaxda madasha qaran, waxayna ka dalbatay in la ansixiyo xubnaha kuraastooda la laalay iyo kuwa muranka ka taagan yahay oo dib loogu noqdo.

Sidoo kale, beesha caalamka ayaa madaxda madasha qaran ka dooneysaa in go’aano ka gaaraan arrimo dhowr ah oo ay qoraal ahaan ugu dirtay madaxda madasha qaran.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la sheegayaa inuusan shirkaan kasoo qeyb-galin, kaas oo la sheegay inuu si weyn uga soo horjeedo.

Ugu dambeyntii, qodobada weli la isku mari la’yahay ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta xal kama dambeys ah looga gaaro shir maanta dhici doona oo ay wakiilada beesha caalamka ka qeyb geli doonaan.

error: Content is protected !!