Daawo qaabkii uu u dhacay dilka maanta loo geystay safiirkii Ruushka u fadhiyay dalka Turkiga

Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay safiirkii Ruushka ee u fadhiyay dalka Turkiga Andrej Karlov, xilli uu ka qeyb galaayay bandhig farshaxan oo lagu qabtay magaalada Ankara.

Teleefishinada Turkiga ayaa baahiyay in safiirka uu u geeriyooday dhaawaciii kasoo gaaray toogashada uu ninkaasi hubeysan u geystay, kaas oo dhabarta dambe kasoo toogtay.

Ninka dilka geystay ayaa ku qeylinaayey ereyo ay ka mid yihiin “Allahu Akbar…waxaan ku dhimanaynaa Allepo/Suuriya, idinkane waxaa ku dhimanaysaan halkaan” iyo ereyo kale oo badan.

Safiirka ayaa la toogtay xilli uu khubad jeedinaayay, waxaana la sheegayaa ninka toogashada geystay uu ka tirsanaa ciidanka booliska ee dalka Turkiga.

Barta Youtube-ka ayaa lagu baahiyay muuqaal laga duubay qaabka uu dilka u dhacay, waxaana safiirka laga toogtay dhabarka dambe, kadibne dhulka ayuu ku dhacay.

Ciidanka booliska Turkiga ee sida gaarka ah u tababaran ayaa markii dambe ninkaasi toogasho ku dilay.

Safiirka ayaa dhaawac ahaan goobta looga qaaday, wuxuuna markii dambe u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Dhinaca kale, madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray xukuumadiisa, kaas oo ay uga hadlayaan dilka loo geystay safiirkooda.

Ilaa iyo haatan lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto, iyadoo labada dal ay mudooyinkii ugu dambeysay kasoo kabanayeen xiriir xumo ka dhalatay diyaarad Turkigu kasoo rideen Ruushka sanadkii 2015-ka, kaas oo uu hal askari ku geeriyooday.

Ugu dambeyntii, tan iyo markii uu Ruushku, xukuumadda Bashar Assad ee dalka Suuriya ku garab-istaagay duqeynta lagu haayo magaalada Xalab (Allepo), ayaa waxaa aad loo adkeeyay ammaanka safaaradda Ruushka ee ku taala magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

error: Content is protected !!