Roob lagu diirsaday oo tan iyo xalay ka da’ayay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta goboka Bari ayaa sheegaya in halkaasi uu ka da’ay roob aad xoogan, islamarkaana ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ku nool halkaas.

Roobkaan ayaa la sheegayaa inuu magaalada Boosaaso ka bilawday xalay salaadii cisho kadib, waxa uuna da’aayay ilaa tobanka subaxnimo ee saakay.

Isku socodka gaadiidka, ganacsiga iyo goobaha waxbarashada ayuu roobkani saameyn weyn ku reebay, iyadoo uu biyo badan dhigay inta badan wadooyinka ku yaala magaalada Boosaaso.

Si kastaba, roobkaan ka day’ay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa kusoo beegmaya xilii gobolada dalka Soomaaliya ay ka jiraan abaaro xoogan oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

error: Content is protected !!