Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya xasuuqii ay AMISOM ka geysteen gobolka Sh/hoose (SAWIRO)

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gaari Homey ah oo ay saarnaayeen dad rayid ah islamarkaana maraayay duuleedka degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose ay ciidanka AMISOM ku dhufteen Baasuuke/Saban, xilli la sheegay inuu kusii jeeday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Ilaa 6 qof oo seddax ka mid ah ay ahaayeen dumar ayaa la xaqiijiyay geeriyootay, halka seddaxda kalena ay ahaayeen niman, waxayna dhamaantood ahaayeen dad ganacsato ah.

Ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkaasi oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Sh/hoose ay falkaasi ka dambeeyaan.

Dhinaca kale, gudoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahin Naajex oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen duuleedka degmada Qoryooley islamarkaana ka maamul ahaan ay iyaga magacaabeen guddi arrinkaasi baaritaano ku sameeya.

error: Content is protected !!