Booliska Jarmalka oo ku raadjooga ninkii xasuuqa ka geystay suuq ku yaala magaalada Berlin

Booliska dalka Jarmalka ayaa shaaciyay in document uu ku qoran yahay magaca Anis A. ay ka heleen kursiga darawalka gaarigii 12-ka qof ku dilay suuq ku yaala magaalada Berlin.

Wargeyska maalinlaha ee BILD ayaa qoray in booliska yaqaaneen ninkaasi oo 24-jir ah khatar ahaa, waxaana laga digay inuu yahay shaqsi hubeysan.

Sidoo kale, wargeyska Der Spiegel ayaa qoray in ninka la baadi-goobayo la sheegay inuu isticmaalo labo magac oo kala ah Anis A iyo Ahmed A.

Warbaahinta Jarmalka ayaa qortay in bishii April ee lasoo dhaafay ninkaasi la siiyay fasax uu ku joogi karo Jarmalka, iyadoo ay hay’addaha ammaanka ilaalo ku haayeen.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad-gobaleedka Bavarian ee dalka Jarmalka, ayaa u sheegay idaacadda Jarmalka inay jirto khatar weyn ee weeraradda Islaamiyiinta oo ay u sabab tahay qaxootiga soo galay dalkaasi.

error: Content is protected !!