Doon ganacsi ah oo ku degtay meel u dhaw dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in dooni u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed ay ku degtay meel 14-mile u jirta dekadda weyn ee magaaladaasi.

Doonidaan ayaa la sheegayaa in markeeda hore ay kasoo anba baxday dalka Cumaan, waxayna kusoo jeeday dekadda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ilaa 12 shaqaale oo isugu jiray ajaanib iyo soomaali ayaa la sheegayaa inay saarnaayeen doonidaas, iyadoona sagaal ka mid ah shaqaalahaasi lasoo bad-baadiyay.

Xaalada caafimaad ee dadkii lasoo bad-baadiyay ayaa lagula tacaalayaa isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso.

Doonida ayaa siday 1,200 oo tan oo bagaash iyo raashiin ka koobnaa.

Dhinaca kale, agaasimaha wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland C/majiid Samatar Jaafaan ayaa sheegay inay ku guda jiraan baadi goobka shaqaalihii saarnaa doonida, isagoo xusay inay soo heleen meydka mid ka mid ah nakhuudayaasha doonida.

Ugu dambeyntii, doontaan degtay ayaa kusoo beegantay xilli roobab xoogan ay ka da’een xeebaha deegaanada Puntland.

error: Content is protected !!