Qaraxyo ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay suuq ku yaala magaalada Tultepec (SAWIRO)

Qaraxyo xoogan ayaa ruxay suuq ganacsi ee San Pablito oo ku yaala magaalada Tultepec ee dalka Mexico, waxaana qaraxyadaan lasoo sheegayaa inay ka dhasheen qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Suuqaasi ayaa la sheegayaa in lagu iibiyo baaruuda dabaal degyada lagu sameeyo xiliyada Christmas-ka iyo sanadka cusub, waxaana mar-qura laga maqlay qaraxyo badan oo is xig-xigay.

Inta la xaqiijiyay qaraxyadaan waxaa ku dhintay 29-qof oo kamid ahaa ganacsatada suuqa iyo dad kale oo ka dukaameesanayay, waxaana sidoo kale qaraxyadan ku dhaawacmay dad kale oo badan.

Warbaahinta dalka Mexico ayaa sheegaya in qaraxyadan ay ka bilawdeen dab qabsaday qeyb ka mid ah suuqa San Pablito, waxaana xiligaas kadib qaraxyo sameeyay baaruud iyo waxyaabo kale oo suuqa yaalay.

Si kastaba ha ahaatee, suuqaan qaraxyada gil gileen ee San Pablito ayaa sidaan oo kale horey ugu baaba’ay sanadihii 2005-tii iyo 2006-dii, waxaana qeybo badan oo kamid ah suuqaan uu hadda noqday mid bas beelay oo gubtay.

error: Content is protected !!