Al-shabaab oo sheegay inay howlgal gaar ah ku qabteen askari ka tirsan ciidanka AMISOM

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in kooxda Al-shabaab ay nolosha ku qabteen askari ka tirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa u dhashay dalka Uganda.

Guddoomiyaha Sh/hoose ee u qaabilsan Al-shabaab Sheekh Maxammed Abuu Usaama ayaa warbaahinta afkooda ku hadasha u sheegay in howlgal gaar ah oo ciidamada Al-shabaab ka fuliyeen degaanka Qoryooley ay kusoo qabteen askari Ugandheys ah oo ka tirsan ciidanka AMISOM.

Wuxuu sidoo kale sheegay in askarigan isagoo aan dagaalamin uu si iskiis ah isku dhiibay kadib markii uu arkay in afarta jiho laga soo weeraray.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in askarigaan uu si iskiisa uga tagay xerada uu ka howlgali jiray, isagoo aaday dhinaca Al-shabaab  oo markii dambe uu isku dhiibay.

Askarigaan ayaa watay qori AK-47 iyo rasaasta Baasuukaha (RPG), waxayna Shabaabku sheegeen inay dhawaan soo bandhigi doonaan sawirka askarigaan, hubkiisa iyo magaciisaba.

Dhinaca kale, Taliska AMISOM ayaa bartooda Twitterka maanta ku shaaciyay inay baadi-goobayaan mid ka mid ah ciidamadeeda oo ku sugnaa xero ku taal magaalada Qoryooley.

error: Content is protected !!